Sarkaal amrey In xabsiga ladhigo xildhibaano lana weeraro madaxda Badbaado Qaran

0
343

Sarkaal amrey In xabsiga ladhigo xildhibaano lana weeraro madaxda Badbaado Qaran

Ciidanka ilaalada shacabka ee uu hogaamiyo Teliyaha Dabagalka NISA Col. Cabdullahi Dheere ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen guud ahaan amaanka Villa Hargeysa ee lafilaayo in uu ka dhaco kulanka baarlamaanka.

Teliyaha Hogaanka dabagalka oo howl shaqo ugu maqan dalka dibadiisa ayaa lasheegey in uu amar ku bixiyey in mudanayaasha baarlamaanka lagaga reebo mobileda iyo hubka ay wataan banaanka hore ee xaruunta Villa Hargeysa.

sarkaal katirsan ilaalada shacabka si aadna ugu dhow Teliyaha Dabagalka NISA kaas oo hada kusugan Xaruunta Baarlamaanka ayaa laga soo xigtey in ay amar u heestaan in ay xabsiga dhigaan 15 ka mudane ee ganaaxu ku dhacay hadii ay yimaadaan xaruunta.

Dhinaca kale ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Col. Cabdullahi Dheere uu qorsheynayo in uu weerar ku ekeeyo madaxda Madasha Badbaado Qaran ee dhowaan loogu dhawaaqey magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan sida aadka ah ugu dhow MD Farmaajo iyo Fahad yaasiin ayaa lasheegey in uu u fuliyo howl galada qarsoon waxaana loo yaqaana Fileka Madow ee Farmaajo.

Teliyahan ayaa lagu eedeeyaa in uu dalka soo geliyey Sun Qatar ah oo ay isticmaalaan sirdoonada halista ah ee aduunka, waxaana jira isku dayo lagu sumaynayo Madaxda Badbaado Qaran oo ay ugu horeeyaan Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntaland sida aan kasoo xiganey saraakiil ku dhow masuulkan oo magacooda qariyey.