Xog xasaasi ah: Isbaheysiga Qarsoon ayaa amrey weerarkii murashaxiinta, shaxdana ayagaa dejiyey.

0
461

Xog xasaasi ah: Isbaheysiga Qarsoon ayaa amrey weerarkii murashaxiinta, shaxdana ayagaa dejiyey.

ilo muhiim ah oo katirsan sirdoonka soomaaliya ayaa kashifey xogo xasaasi ah oo kusaaban weeraradii lala beegsadey midowga musharaxiinta iyo saraakiishii lahaa shaxda weerarkaasi.
xogta ayaa sheegeysa in qorshaha weerarka ay lahaayeen madaxda ugu sareeysa Nabad sugida soomaaliya oo kala ah Teliyaha Dabagalka Cabdullahi Daahir Co. Cabdullahi Dheere dadka qaarna Ugu yeeraan Ugaas Cabdalla iyo Saxiibkiis Fahad yaasiin Xaaji Daahir Teliyaha NISA.
Tan iyo markii ay ku dhawaaqeen midowga musharaxiinta Dibadbax Nabadeed, waxaa jirey kulamo iyo shirar aan kala go’ laheen oo labadan sarkaal dhexmarayey ayagoo ka arinsanayey sidii laga yeeli lahaa dibadbaxa mucaaradka Dowlada lashaaciyeen.
labadan masuul ayaa lasheegey in ay hor dhigeen MD Farmaajo shax looga hortagayo mudaaharaadka isla markaana lagu cabsi gelinayo musharxiinta,
shaxdaas oo ah in xoog ciidan loo isticmaalo joojinta Dibadbaxa ayadoo lasoo xirayo labo kamid ah midowga murashaxiinta kuwaas oo kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur sida xogta tilmaameyso.
labadan murashax sababta loo beegsanayo ayaa lagu sheegey labo arimood oo kala ah;

Shariif Xasan iyo CCW waxaa lagu eedeeyey in ay yihiin maskaxda kadanbeysa kicin shacabka si loo abuuro xaalad waxeyna wadaan dagaal shaqsiyadeed oo kusuntan aargoosi sida hadalka loo dhigey.

2. arinta 2aad ayaa lagu sheegey in aysan laheen awood ciidan oo difaaci karta muqdisho ama maamulada ay kasoo jeedaanba sidaa darteed aan waxdhib ah kadhalan doonin.
warka ayaa sheegaya in laisku raacey in Qorshaha lagu howlgalo waxaan la gudagaley tirada ciidan ee loo baahanyahay.
Teliyaha Dabagalka ayaa soojeediyey in loo baahan yahay ugu yaraan 6000 lix kun askari oo heegan la geliyo hase yeeshee waxaa laheley 4500 oo askari oo u badan ciidanka ay tababaraan turkiga ee looyqaano Turkisom.
17 bishan ayaa 1000 askari laga soo qaadey gobolka gedo si ay qeyb uga noqodaan howlgalka culus ee muqdisho loo qorsheeyey waxaana 500 ee soo hartey laga dhigey ciidank Gaashaan ee mareykanka Tababarey waxaana balan qaadey Teliyaha Dabagalka balse saacado kooban keliya awoodi karo in ay howl galaan.
Teliyaha Dabagalka ayaa ciidankiisa looyaqaano Ilaalada shacabka ku amrey in dhoor jiho rasaasta loorido si loogu maleeyo iska hor imaad, arintaas oo sababtey in madaafiic ay ku garaacaan qeybo kaladuwan oo katirsan magaalada muqdisho waxaana kadhashey qasaare hantiyadeed.
qorshaha ayaa u muuqda mid qeyb ahaan hargaley walow uu fashilmey in ay soo qabtaan labadi murashax, saraakiil katirsaneyd howlgalka ayaa ku sababeeyey in qorshaha murashaxiinta markii hore ahaa in Shariif Xasan iyo CCW Hotel Maida soo degaan Balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur kabaaqsadey waxaana adkaatey in labo goobood laweeraro.

Labadan sarkaal ayaa u kala shaqeeya Sirdoon wadamo kale.
Fahad yaasiin ayaa lafahamsanayahay in uu katirsan yahay sirdoonka Qadar, halka Teliyaha Dabagalka larumeysan yahay in uu lashqeeyo Sirdoonada Qadar iyo Mareykanka waxaana loo yaqaanaa Isbaheysiga Qarsoon.