Nin Hubeysan Oo Dil Iyo Dhaawac Ka Geystay Duleedka Muqdisho

0
496

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo tooreey ama Middi  loo adeegsaday oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacday Tabeelaha Sheekh Ibraahim eee duleedka Magaalada Muqdisho.

Nin ku hubeysnaa Middi ayaa weerarka ku qaaday saddex ruux oo isku qoys ahaa, , waxaana falkaas uu ka dambeeyay, ka gadaal markii muranka kooban uu soo kala dhex galay qoyska Ninka falka geystay iyo qoyska kale.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Ninka oo carooday uu soo qaatay tooreey oo ku dhuftay laba gabdhood iyo aabaha dhalay, waxaana soo gaaray dhaawac culus, iyagoona durbadii loo qaaday Xarun Caafimaad.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in aabaha dhalay gabdhaha uu markii dameb u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray Middida oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirka, iyadoona goobta uu ka baxsaday Ninkii falkaas ka dambeeyay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay oo ageyd Tabeelaha Sheekh Ibraahim, iyagoona sameeyay baaritaano lagu baabi goobayay ninka falka geystay, in kastoo aan la shaacin in lasoo qabtay iyo in kale.

Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa sidaan oo kale waxaa horey uga dhacay dhacdooyin naxdin leh, waxaana xusid mudan in halkaas kal horey Nin hubeysan oo ku dilay dad isku qoys ahaa.