Taliyaha cusub ee qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka S/Guuto Maxamed Cadoow Cali Sanka iyo wafdi kale oo Saraakiil ciidan ah ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.
Taliye Maxamed Caddow Cali oo ay wehlinayeen Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad, kuwo ka socda Wasaradda Gaashaandhigga Xukuumadda iyo Saraakiil kale ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Bacaadweyn.
Saraakiisha oo booqday furumaha horey ee dagaalka ee Bacaadweyn ayaa Ciidanka dowladda ee halkaas ku sugan kala hadlay xaaladda iyo howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee socda.
Taliyaha qaybta 21-aad S/Guuto Maxamed Cadoow Cali Sanka ayaa kormeerka kadib kaga mahad celiyay Ciidamada iyo Saraakiishooda, dadaalka ay ku bixinayaan la dagaalanka Al-shabaab, isla markaana faray inay dardar-geliyaan howlgalada socda.
deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa waxaa horey ugu dagaalamay Ciidanka xoogga dalka, dadka deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana halkaas haatan ku sugan Ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug.