Waxaa saakay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir lagu arkay Meydadka saddex qof oo halkaas lasoo dhigay, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.
Dad dul-tegay Meydadka saddexda qof ayaa waxaa ay ku sheegeen inay ahaayeen Haween, isla markaana jirkooda ay ka muuqdeen rasaas oo loo maleynayo in loo adeegsaday dilkooda.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay ku warrameen in Meydadka saakay dadkaas lagu arkay Waaxda kur-damac ee degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, isla markaana la aqoosan waayay waxa ay ahaayeen dumarka la dilay.
Maamulka degmada Deyniile ee Gobolka ayaan weli ka hadlay dadkaas Meydadkooda lagu arkay gudaha degmadaas, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in goobta ay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.
Habeen horey ayey markii sidaan oo kale Meydadka 4 qof oo rag ah, isla markaana la dilay lasoo dhigay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoona dadka deegaanka falkaas uu ku noqday mid argagax ku abuuray.