Sargaalkii Amrey Ciidankii Eretariya Joogey in ay ka qeyb qaataan Dagaalkii TPLF oo la ogaadey.

0
448

xogo dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya dhalinyaradii soomaaliyeed ee lagu laayey dagaalkii TPLF ee waqooyiga Ethiopia, kuwaas oo markii hore tababar loogeeyey dalka Eretariya.s

Saraakiil amni oo magacooda ka gaabsadey ayaa bixiyey xogo muhiim ah , ayagoo sheegey, cidda ciidanka dagaal gelisey iyo masuulka codsadey in
Ciidamada soomaaliya ee Eretariya lagu tababaray ka qeyb qaataan dagaalka Ethiopia kasocoday.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Ethiopia Mustafe Cagjar ayaa lasheegey in uu codsadey in ciidanka Soomaaliyeed ee Eretariya kusugnaa lasiiyo, si ay ugu qeyb qaataan dagaalka TPLF lagula jiro isagoo balanqaadey in aan wax dhib ah ka imaan doonin oo ciidanka Liyuu Policeka dowlad deegaanka loo ekeysiin doono.

saraakiishan ayaa sheegey in howl galkan culus uu hor kacayey, sarkaal sare oo katirsan Hay”ada NISA, si wayna, ugu dhow Teliyaha Nabad Sugudda iyo sirdoonka Qaranka NISA iyo MD Farmaajo.

Sargaalkan ayaa lasheegey in uu asal ahaan ka soojeedo kilinka 5-naad ee soomaalidu degto waxaana la lagu tilmaamaa xiriiriyaha Mustafe Cagjar iyo MD Farmaajo.

sargaalkan oo NISA ugu magacaaban Hogaanka Dabagalka, laguna tilmaamo (Feelka Madow) ee MD Farmaajo ayaa la rumeysan yahay in uu bixiyey xogaha kusaabsan in ciidan soomaaliyeed tababar uga soo gaba gaboobey dalka Eretariya, arintaas oo fududeysey in codsi deg deg ah loo diro madaxweyne farmaajo laguna qanciyo in ciidanka soomaaliyeed qeyb ka noqdaan dagaalkii kasocodey waqooyiga Ethiopia.

Teliyaha Hogaanka Dabagalka NISA Cabdalla Daahir Cabdalla ayaa lasheegey in gacanta ku haayey Howl galkan, waxaana xogtu sheegeysaa in ciidamo gaarayey 1100 askari Soomali ah oo watay saanadooda melitery ka soo gudbeen xadka ay wadaagaan Eretariya iyo Ethiopia.

sargaalkan ayaa lafahamsanyahay in uu ku wanaagsanyahay howl gelinta ciidamada iyo Naqshadaha dagaalka hase yeeshee waxaa lagu dhaliilaa dhiig daadinta aan xadka laheen uu sameeyo xiliyada howl galada lagu jiro.

waxaa wali lo ogeyn xaalada dhabta ah ee ay kusugan yihiin ciidankii soomaaloyeed ee ka dagaal galey Gobolka Tigrey ee dhaca waqooyiga dalkaasi.

maalmihii lasoo dhaafey waxaa jirey walaac ay muujinayeen qaar kamid ah waalidiinta dhaley dhalinyaradan.

Cabdulla Dahir oo dadka qaar ugu yeeraan Ugaas Cabdalla ayaa la ogeyn xafiiskiisa shqo ee dhabta ah, walow NISA ugu magacaaban yahay Teliyaha Hogaanka Dabagalka hadana waxaa lagu tilmaamaa awooda 3-aad ee Dowlada Nabad Iyo Nolol.