Wasiir Muqtaar oo Amar-siiyay Saraakiisha Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM

0
490

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax oo weli ku sugan magaalada  Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraaa ayaa kulan looga hadlayay amniga la qaatay Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Kulanka oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar  (Dabageed) ayaa waxaa lagu lafaguray dardar gelinta howlgalada lagu sugayo ammaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMIOSM ayaa waxaa ay wasiirka Warbixin ka siiyeen xaalada guud ee dhanka Amniga gobolka Hiiraan iyo howlgallada ka socda Magaalada Beledweyne.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ku bogaadiyay laamaha amniga magaalada Baladweyne sida ay uga shaqeynayaan sugida amniga iyo isdhex galka Bulshada.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii las o dhaafay howlgallo isdaba-joog ah ay Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ka wadaan magaalada Beledweyne, kaas oo lagu qabqabtay dad farabadan.