Rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen Bustoolado ayaa waxaa ay maanta degmada Deeyniile ee gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen mid kamid ah Nabadoonadii soo xulay Baarlamaanka 10aad ee waqtiga xilheyntiisa sii dhamaanayo ee Federalka ah ee Soomaliya.
Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Macalin Cabdi Siyaad Geedi ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa Suuqa ariga lagu Iibiyo ee ku yaalla Xaafada Raadeelka ee degmada deeyniile ee Magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in raggii ka dambeeyay dilka Nabadoonka ay durba goobta ka baxsadeen, waxana gaaray ciidamo Boolis ah oo ka tirsan Saldhiga degmada Deeyniile, kuwaas oo ku sugnaa qeyb kamid ah Suuqa, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Meydka Nabadoonka la geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da, iyada oo ay meydka goobta ka qaadeen ehellada Nabadoonka & Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga Soomaaliya.
Maamulka degmada deeyniile iyo laamaha Amniga degmadaas weli kama hadlin dilka loo geystay Naabdoonka, waxaana horay muqdisho & qaar kamid ah Gobolada dalka loogu dilay Nabadoonadii soo xulay ergada dooratay Baarlamaanka Soomaaliya.