Saraakiil ka tirsan Booliiska dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay si dirqi ah uga badbaadeen qarax miino oo lala eegtay xilli ay marayeen bartamaha waddada xeebta ah ee Lamu, sida ay shaaciyeen qaar kamid ah Warbaahinta Kenya.
Taliyaha Booliska gobolka xeebta ah Gabriel Musau, ayaa sheegay in gaari ay la socdeen koox gaar ah oo ka tirsan qeybta ilaalada xuduudaha (BPU) ay bartilmaameedsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan deegaanka Nyangoro, ee Gobolka Lamu.
Musau wuxuu sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay baxsadeen waxyar kadib markii ay ku fashilmeen isku daygoodii ahaa inay gaariga ku dhuftaan iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa.
Taliyaha booliska ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaawac ah ama waxyeelo ah oo laga soo sheegay qaraxaasi uu ka dhashay.
“Khasaare lama soo sheegin. Way baxsadeen ka dib isku daygoodii waa uu dhicisoobay laakiin waan ku daba jirnaa,” ayuu Musau ku yiri.
Tani waa isku daygii ugu dambeeyay ee noocan oo kale ah ee lagu qaado ciidamada amniga ka dib muddo ku dhow sideed bilood oo aan wax amni darro ah aysan ka dhicin aagga loo dalxiis tago ee Xeebta lamu ayuu iri” Gabriel Musau.
Ugu dambeyn Musau ayaa sheegay in ay xoojiyeen howlgalada ka socda deegaanka si loo xakameeyo weerar kasta oo qorsheysan ka dib markii dadka deegaanka ay goor sii horeysay muujiyeen cabsi ah in dhacdadani ay muujineyso in Al-Shabaab weli ka howlgallayaan aagga.
Booliska ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in dhacdadan ay dhacday iyadoo askarta ay galbinayeen qaar ka mid ah gawaarida basaska ah ee isticmaalawadada Lamu-Gamba ee Nyongoro.
Weli ma jirto cid sheegatay weerarka qaraxa ah ee lala beegsaday saraakiisha ka tirsan ciidamada Booliska Kenya, hayeeshee inta badan ayaa waxaa weerarada noocas ah mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.