Gaadiid farabadan oo sida agabyo kala duwan oo ay ka keeneen dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa ku xayiran Baro koontorool oo ku yaalla duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.
Gaadiidkaan ayaa la sheegay in sababaha ay u xayiran yihiin ay tahay ka dib markii ay diideen laamaha Canshuuruha in ay Canshuurta ku qaataan lacagta Shilinka Soomaaliga.
Gaadiidkaan sida agabyo kala duwan oo ah kuwa Xamuulka qaada ayaa u raran ganacsato ku kala sugan degaano ka tirsan gobolada dhexe ee Soomaaliya, gobalada kale ee Puntland iyo Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Madaxda Kastamka Canshuuraha ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen inay heystaan amar ah in Canshuurta aysan ku qaadi Karin lacagta Shillinka Soomaaliga ah, taas oo sababtay in Baraha Koontorool ee canshuuraha lagu qaado ee Magaalada Garoowe lagu celiyo gaadiid farabadan.
Qaar kamid ah Darawalada gaadiidleyda ah iyo Ganacsatada ayaa Maanta waxaa ay banaanbax arrintaasi uga cabanayaan ka dhigeen afaafka hore ee garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe iyo wadooyinka qaar ee Magaalada.
Suuqyada waaweyn ee Magaalada Garoowe ayaa Maanta sidoo kale xiran, iyada oo ganacsayada yar yar iyo qaar kamid ah Bulshada Magaalada Garoowe ay dhigeen banaanbax ay uga cabanayeen sarakac ku yimid sarifka doolarka.