Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & khasaaro ka dhashay

0
419

Dagaal ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo  Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-maray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaaha Hoose, waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Awdheegle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socay muddo dhowr saacadood ah.

Dadka degmada Awdheegle ayaa Radio Cadaado waxaa ay u sheegeen inay maqlayeen  dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab, balse aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay maadaama dadka Shacabka ah aysan tegi karin goobaha lagu dagaalamo.

Saraakiil Ciidan ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab isla markaana ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.

Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in weerarka ay ka geysteen degmada Awdheegle ay ku dileen 5 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa turkiga uu tababaray in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Dagaalka ka dhacay degmada Awdheegle  ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose lagu  dilay Sarkaal & Xubno ka tirsan Al-Shabaab.