Mareykanka oo markale qirtay khasaaro dad rayid ah kasoo gaaray duqeymaha Soomaaliya

0
635

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa markii Saddexaad qirtay khasaaro dad rayid ah kasoo gaaray duqeymaha ay ka fuliyaan Bartamaha & Koonfurta Soomaaliya.

War kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in 17-kii Bishii April ee sanadkan 2020 duqeyn ay geysteen diyaaradaha Mareykanka ay ku dhaawacmeen laba qof oo Shacab ah, basle Mareykanka uusan sheegin halka ay ka dhacday duqeynta.

“Tani waa warbixintii 3aad ee qiimeynta khasaaraha rayidka tan iyo markii Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] uu bilaabay baaritaanka eedeyamaha ku saabsan khasaaraha rayidka ku gaara duqeymaha  aan fulino, ayaa lagu yiri” Warbixinta Africom.

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale ku jirta lix dhacdo oo an wali la furin, balse dib la baarayo, oo ay kujiraan labo ka mid ah warbixintii hore si loo dhameystiro baaritaanka la xiriira waxyeelada rayidka kasoo gaaray duqeymaha.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in dhamaan warbixinada iyo xaqiiqooyinka kujira loo gudbiyay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, Koongaraska Mareykanka, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya kajooga ku dhawaad 1,000 askari, kuwaas oo Ciidamada dowladda ka taageera la dagaalanka Al-Shabaab, hayeeshee Hay’adda u dooda  xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in Ciidamada Mareykanka ay dembiyo dagaal ka geystaan Soomaaliya, isla markaana ay duqyemaha ku dilayaan dad shacab ah.