Qarax ayaa ka dhacay iskuul diinta lagu barto oo ku yaal waqooyiga-galbeed ee magaalada Peshawar ee Pakistan sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha booliska.
Ugu yaraan toddobo qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka 70 kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa wuxuu ka dhacay masjidka Speen Jamaat, oo sidoo kale ah dugsi diimeed oo loogu talagalay carruurta maxalliga ah.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Muuqaalo telefishan oo laga soo qaaday goobta qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay burbur xoog leh oo soo gaadhay gudaha hoolka weyn ee salaada, iyada oo calaamado tilmaamaya saqafka iyo burburka daadsan dabaqa.
Isagoo lahadlayay wariyeyaasha, taliyaha booliska ee magaalada Peshawar Muhammad Ali Khan ayaa xaqiijiyay todobo dhimasho ah iyo ugu yaraan 72 qof oo dhaawac ah.
“Tani waxay dhacday 8:30 subaxnimo, carruurtu waxay halkan ku aqrinayeen Quraanka. Markaas ayaa uu qaraxu dhacay, ”ayuu yiri taliyaha.