Ciidamada Ammaanka dalka Romania gaar ahaan kuwa ilaalda xaduudaha dalkaas ayaa waxaa ala sheegay in ay xireen 37 Ruux oo qaxooti ah oo ay Soomaali ku jiraan xilli ay doonayeen inay lug ku galaan wadanka deriska ah Romania ee Hungary.
Ciidamada ayaa dadkaasi waxaa ay dhigeen Xabsi gaar ah oo dhanka xaduuda ku yaala,waxaana dadka la sheegay inay u kala dhasheen dalalka, Afchanistan Siiriya, Iiraan Soomaaliya iyo Ciraaq.
War kasoo baxay Taliska Ciidamada ilaalada dalka Romania ayaa waxaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay kala yhiin, 28 Rag ah, laba dumar ah iyo Saddex Carruur ah.
Sidoo kale Warbixinta taliska ayaa waxaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay kaal ahaayeen lab qeybood, kuwo lagu qabtay qadka cagaaran ee labada dal ee Romania iyo Hungary, halka Koox kale ay si dhuumaaleysi ah ay ku doonayeen inay ku gudbaan laba Gaari oo ay wateen.
“ Ciddii la qabtaa, iyada oo dooneysa inay si sharci darro ah ku gudubto kama aqbaleyno tallaabo ayaan ka qaadeeynaa, waxaan halkaan u fadhinaaa inaan xaqiijino amniga xaduudkeen ayaa lagu yiri” Wa kasoo baxay Taliska Ciidamada ilaaladaha xaduudaha dalka Romania.
Soomaali farabadan ayaa ku xiran Xabsiyo ku yaalla qaar kamid ah wadamada Afrika iyo Yurub, kuwaas oo qaarkood loo xiray inay si hsraci darro ah ku galayeen dalalkaas.