SAWIRO:-Banaanbax ka dhacay Cadaado & Ganacsiga Magaalada oo xiran

0
509

Waxaa Maanta Inta badan  xiran goobaha ganacsiga  Magaalada Cadaado ee gobalka galgaduud ,kaddib markii ganacsatada ay ka biya Diideen bixinta  lacagaha   canshuurta ah oo ay kusoo rogtay Wasaarada Maaliyadda  Maamulka Galmudug.

Ganacsatada Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay dhigeen dibadbax ay uga soo horjeedaan lacagaha ay kusoo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, iyaga oo inta badan xiray goobahooda Ganacsiga.

Qaar kamid ah Ganacsatada Magaalada Cadaado ee banaanbaxa sameeyay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen inay kasoo horjeedaan lacagta ay ku amartay Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, isla markaana aysan awoodin.

Dadka ku  nool Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay la’yihiin goobo ay ka adeegataan, isla markaana Bulshada uu saameyn weyn ku yeeshay Ganacsiga xiran & Banaanbaxa ay dhigeen Ganacsatada.