Ganacsatada Magaalada Wajeer oo cabanaya

0
525

Dadka deggan magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa ka cabanaya koronto la’aan saameysay noloshooda, gaar ahaan gancsiga magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in koronto la’aantaasi ay sababtay in kharashka uu ku kordho ganacsigooda maaddaama ay ku khasbanaadeen inay isticmaalaan matoorro dhaliya korontada.

Arrintan ayay sheegeen in dhawr jeer oo hore ay kala hadleen shirkadda bixisa korontada dalka ee KPLC balse ilaa haatan aan cabashadooda wax laga qaban.

Cabdifataax Aadan Sheekh oo ka mid ah ganacsatada ay koronto la’aanta saameysay ayaa sheegay in ay jirto koronta la’aanta, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii Bulshada u heli laheyd koronto.