Madaxweyne Farmaajo & Deni oo ka hadlay geerida Amiirkii dalka Kuwait

0
438

Madaxweynaha dawladda  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dawladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Kuwait uga tacsiyeeyey geerida Amiirkii dalkaas Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir oo saaka ku dhintay dalka Maraykanka, isagoo da’diisu ahayd 91-sano.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tacsi gaar ah u diray Qoyska boqortooyada iyo eheladii uu ka baxay amiirka Kuwait, waxaana uu xusay in dawladda Kuwait iyo shacabkeeda uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Soomaaliya, taas oo uu rajeynayo inay sii socoto, waxaana uu amiirka dhintay ku sifeeyey mid caan ku ahaa arrimaha samafalka.

Sheekh Nawaaf Al-axmed oo walaal la ahaa Amiirka geeriyooday ayaa berri loo dhaarin doonaa Amiirka cusub ee Kuwait, waxaana barri kulan yeelanaya Baarlamaanka dalkaas

Amiir Sabaax, waxa uu muddo ka badan nus qarni ku jiray siyaasadda dawladda Kuwait, isagoo noqday, Ra’iisal wasaare, wasiirka warfaafinta iyo wasiirkii arrimaha dibadda ugu waqtiga dheeraa Kuwait, sidoo kalena waxa uu Amiir dalkaasi ka noqday 2006-dii.

Sheekh Sabaax waxa uu calaaqaad gaaar ah la lahaa Soomaaliya, waxaana uu Beer ku lahaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaas oo uu waqtiyo nasiino ah ku qaadan jiray 1978-dii iyo sanado ka dambeeyeyba.

Kuwait waxay qabanqaabinaysay sanadkan inay marti galiso shir muhiim ah oo looga hadli lahaa horumarinta waxbarashada Soomaaliya, balse waxaa loo baajiyey cudurka Crona dartiis.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha  iyo kan Shacabka Puntland, ayaa Dowladda iyo Shacabka Dalka Kuwait uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii dalkaasi Kuwait Sheikh Sabaax Al Axmed Al Jaabir Al Sabaax oo  ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dalka Mareykanka.

Puntland  waxay u ogsoontahay Dowladda Kuwait mahadna uga haysaa, gargaarka bani’aadanimo iyo Mashaariicda horumarin ee lagu najaxay sida Airportka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan oo lagu hirgeliyay ogolaanshaha AHUN Amiir Shiikh Sabaax Al Axmed ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan Dowladda iyo shacabka Kuwait, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii, uu ka baxay marxuumku.