Hawlgal gaar ah oo maanta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha hoose, ayey ciidamadu ku qabteen 2-nin oo ka tirsan Al-shabaab, xilli ay miino ku aasayeen wadada.
Labada ruux ee la qabtay ayaa waxaa ku socda baaris ku aadan fal dambiyeedka loo soo qabtay, taas oo ciidanka ka caawinaysa inay ogaadaan macluumaadka.
Saraakiisha xoogga dalka ee aagaasi ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay inay sii socon doonaan hawlgallada lagu beegsanayo Al-shabaab, si meesha looga saaro miinooyinka lagu aaso wadooyinka.
Tan iyo markii ciidanka dawladdu la wareegay deegaanada Sabiid iyo caanoole horraantii sanadkii 2019-ka waxaa jiray iska horimaadyo iyo Qaraxyo miinooyin ah oo wadooyinka la galinayay.