Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland maanta waxaa ka bilaabanaya Shirar iyo kulamo kala duwan oo u dhaxeeya Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Labada Hoggaamiye iyo waxgaradka degaanada maamulka Puntland ayaa lagu waddaa in ay si qoto dheer uga hadlaan qodobadii kasoo baxay Shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay Magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb ka noqon doona Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ugu caansan degaanada maamulada puntland iyo Jubbaland.
Labadda maamul ayaa horay War ay soo saareen uga soo horjeestay qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3 ee lagu heshiiyay hanaanka doorashooyinka dalka.