Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Socdaalkiisa Dhuusamareeb C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa ku wehlin doona xubno kala duwan oo ka tirsan Xisbiga Wadajir iyo Mas’uuliyiin kale, iyagoo halkaas tegi doona saacadaha soo socda.
Qoraal kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa lagu sheegay in siyaasigada C/raxmaan C/Shakuur uu kulan la qaadan doono Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee shacabka.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan soo dhaweynta siyaasiga, isla markaana halkaas ay ka wadaan taageerayaashiisa iyo xubno kale oo ku sugan Magaaladaas.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo mucaarad ku ah siyaasadda dowladda Federaalka ayaa si weyn uga soo horjeeday doorashadii Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, wallow markii dambe labada dhinac ay wada kulmeen.