Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa bilaabeysa mashruuc lagu dayactirayo seddex kanaal oo faa’iido u leh beeralayda waraabka, sidoo kalena looga hortagayo fatahaadaha Wabiga Jubba uu geysto.
Seddex kanaal ee la dayactirayo ayaa waxaa horay u dhistay dowladdii uu hoggaamin jairay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, kuwaas oo qaarkood duugmay markii ay dagaalada sokeeye dalka ka dhaceen.
Mashruuca lagu dayactirayo kanaalada ayaa waxaa maalgalinaya Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FOA), sida uu sheegay maamulaha mashruuca Ismaaciil Cali Maxamed, waxaana Saddexda Kanaal laag dhisi doonaa tuulooyinka Bulaguduud, Yoontooy, iyo Qaam Qaam, ee waqooyiga magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Deggaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa dhawaan waxaa fatahaad ka sameeyay Wabiga Jubba , iyada oo fatahaadaas uu sababay inay baaba’aan dalagyada beero farabadan sidoo kalena ay barakacaan Boqolaal qoys.