Hay’ad sheegtay in hubka Iiran siiso Xuutiyiinta loo iibgeeyo Soomaaliya

0
531

Warbixin ay soo saartay Hay’ad baarta Barnaamijka Caalamiga ah ee dambiyada abaabulan ayaa waxaa lagu shaaciyay in ay heleen cadeymo muujinaya in dowladda Iiraan ay hub siiso Kooxaha ka dagaalama Yemen, isla markaana hubkaas loo iibgeeyo Soomaaliya.

Warbixinta ayaa agu xusay in warkaasi la rumeysan karo,isla markaana Nin Ganacsade soomaali ah oo degan Magaalada Sanca ee dalka Yemen uu xaqiijiyay qorshahaas,iyada oo muddo todobaad ah baaritaan lagu haayay.

Warbixin ay soo saartay Hay’ad baarta Barnaamijka Caalamiga ah ee dambiyada abaabulan ayaa waxaa lagu shaaciyay in ay heleen cadeymo muujinaya in dowladda Iiraan ay hub siiso Kooxaha ka dagaalama Yemen, isla markaana hubkaas loo iibgeeyo Soomaaliya.

Warbixinta ayaa agu xusay in warkaasi la rumeysan karo,isla markaana Nin Ganacsade soomaali ah oo degan Magaalada Sanca ee dalka Yemen uu xaqiijiyay qorshahaas,iyada oo muddo todobaad ah baaritaan lagu haayay

Ilo wareedyo madax bannaan ayaa sheegay in hubkaasi ay Iiraan siiso Kooxaha ka dagaalama libya ee loo soo iibgeeyo Soomaaliya ay kamid yihiin, qoryaha AK-47, qoryaha darandooriga u dhaca, bambo gacmeed iyo rasaas noocyo kala duwan leh, hayeeshee lama sheegin dadka sida gaarka ah looga iibiyo.

“Arrintaan waxaa ay cadeyneysaa inay jiraan Kooxo isku xiran oo hubka sharci darrada ah u iibgeeya Soomaaliya, kaas oo ka yimaada Iiraan ayaa lagu yiri, Warbixinta Barnaamijka Caalamiga ah ee dambiyada abaabulan.

Soomaaliya ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dhinaca hubka ah oo ay saartay Qaramada Midoobay sanadkii 1992-dii,balse waxaa dalka si qarsoodi ah lagu soo geliyaa hubka noocyadiisa kala duwan.

.