Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ka Hadlay Dilkii Ragga Kufsiga Geystay

0
481

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa War kasoo saartay dil toogasho ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo, kaasi oo lagu fuliyay laba Nin oo fal kufsi ah ka geystay gudaha Magaaladaas.

Qoraal uu soo saaray Wasaaradda Cadaalada Koonfur Galbeed Maxamud Xuseen Xasan ayaa waxaa uu ku sheegay in Maamulka marnaba uusan ogolaan doonin in deegaanka laga sameeyo fal fool ah oo ka hor-imaanaya diinteenta iyo dhaqanka.

Sidoo kale Qoraalka Wasiir Maxamuud Xuseen ayaa waxaa lagu sheegay in cid kastoo ficil fool xun sameysa ay wajihi doonto Cadaalada, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Marnaba ma ogolaandoono cid kasta oo ku howlan inay wax u dhimaan diinteena, dhaqankeena, bulshadeena iyo amnigeena, cid kastoo ficil fool xun sameysa waxa ay wajahi doonaan talaabo ku haboon oo caddaalada ayaa la marsiin doonaa sida tan maan dhacdey oo kale” ayuu yiri Wasiirka Caddaalada Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu toogtay laba Nin oo fal kufsi ah u geystay wilal yar-yar, waxaana toogashada lagu fuliyay, iyagoo aan Maxkamad la horgeyn, kadib markii ay qirteen inay ka dambeeyeen falkaas.

Dadka ku dhaqan Baydhabo ayaa Maanta aad u hadal haaya dhacdadaan lagu toogtay ragga kufsiga geystay, waxaana dadka qaar oo la soo weriyay inay ku faraxsan yihiin sida loo fuliyay toogashada, sidoo kalena ay dalbadeen in falalkaas wax laga qabto.