Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay ku fashilantay dhanka Ammaanka.
Waxaa uu sheegay in dagaalkii xalay ka dhacay Xabsiga dhexe ee Muqdisho uu tusaale u yahay xaaladda Amni dalka uu wajahaayo, islamarkaana qorshe gaar ah laga lahaa.
Hoggaamiyaha ayaa sheegay in Dagaalkii xalay ka dhacay Xabsiga dhexe uu ahaa mid lagu fakinayay Xubno Al-shabaab ah Waxa uuna ku eedeeyay hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya.
“Xalay Al-Shabaab ayaa hub loo galiyay Xabsiga dhexe ee Xamar, waana qorsho Nabad Sugidda ka dambeyso madaama ay ku milanyihiin ragga ka tirsan Al-Shabaab”.
Waxaa uu intaasi kusii daray ” Ra’iisul wasaaraha soo socda waxyaabaha laga sugayo waxaa ka mid ah in uu xisaabtamo Taliska Fasahaadsan ee Nabad Sugidda ee hoggaan xumada la daala dhacayo, Ra’iisul wasaare la’aanta dalka, waxay keentay in la boobo hantidii iyo jagooyinkii dowladda”