Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhig Ay Leeyihiin Ciidanka Dowladda

0
569

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay xalay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Dadka ku nool ddegmadaasi qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhowr hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacayay saldhiga Ciidamada Garbahareey iyo daafaheed,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay maadama xilli habeen ah aheyd.

Dadka ku nool degmada Garbahaareey ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in Ciidamada Dowladda ay dhankooda tiro hoobiyeyaal ah ay ugu jawaabeen Xubnaha Al-Shabaab ee weerarka hoobiyeyaasha ah kusoo qaaday.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo Cali Jubba ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Xeryaha Ciidamada Dowladda ee Garbahaareey iyo kuwii habeen hore lagu qaaday luuq iyo Doolow ay ka weyn tahay Al-Shabaab, isla markaana ay jiraan gacmo kale oo ku lug leh.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno degmada Garbahaareey ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay duleedka degmadaasi ka wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka hoobiyeyaasha ah kusoo qaaday degmada Garbahaareey.

Weerarka ay Xubno ka tirsan Al-Shabaab xalay ku qaadeen degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli habeen ka hor Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyada ciidamada Dowladda ee degmooyinka Luuq & Doolow.