Taliska Ciidanka xooga oo 24 Saac kadib shaaciyay khasaaraha qarixii shalay

0
568

Taliska qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay qarax ismiidaain ahaa oo shalay lagu qaaday Xero Ciidamada qeybta 27aad ku leeyihiin agagaarka Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka General Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in Ruux tirsan Ururka uu gaariga laga soo buuxiyay waxaabaha qarxa kusoo weerareen Xerada Taliska qeybta 27aad,islamarkaanaa uu jiro khasaaro ka dhashay.

Waxaa uu sheegay taliyaha in qaraxa ay ku geeriyoodeen laba askari iyo dhaawaca 7 ruux oo sida uu sheegay u badan Shacab,waxaana sidoo kale uu sheegay in aysan jirin khasaaro hantiyeed oo ka dhashay qaraxaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qarixii gaariga loo adegsay ee lagu weeraray qaaday Xero Ciidamada qeybta 27aad ku leeyihiin agagaarka Garoonka Kubadda Cagta ee Stadiom Muqdisho, iyaga oo sheegay inay dileen 24 Askari.