SAWIRO:-Wariyeyaasha Muqdisho oo kulan Mahad celin ah u qabtay Ururada SOMA & SJS

0
641

Kulan ay soo qaban qaabiyeen qaar kamid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, kaas oo ahaa mid loogu mahad celinayay Ururada Saxaafadda Soomaaliyeed ee SOMA iyo SJS,kuwaas oo siweyn uga qeyb qaatay siideynta Wariyeyaasha Abuuja & Gurbiye oo u xirnaa Dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay inta badan Wariyeyaasha Muqdisho, qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshada Rayidka, Xubno ka socday Ururka Qareenada Soomaaliyeed iyo Ehellada Wariye Abuuja.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay halku dhigyo ku saabsan xorriyadda Saxaafadda si ay Shaqadooda u gutaan, waxaana kamid ah, (Denbiyeynta Saxaafadda waxaa ay halis ku tahay Dimuqraadiyadda, Soomaaliya waxaa ay u baahan yahay Saxaafad xor ah, mas’uul ah oo aan cabsan iyo halku dhigyo kale.

Xoghayaha Guud ee Ururka SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa ka sheekeeyay dhibka ay u soo mareen siideynta Wariyeyaasha Abuuja iyo Gurbiyo, waxaana uu sheegay in dhowr jeer la bedelay denbiyada lagu soo eedeysay labada Wariye.

Dhinaca kale Xoghayaha SOMA Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi ayaa sheegay in Wariyeyaasha loo saariyo danbiyo aysan laheyn si Shaqadooda looga hor istaago.

Wariyeyaasha ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa ay ku Shaqeeyaan xilliyo adag, waxaana ay qaarkood la kulmaan dil, hanjabaad iyo xarig ay kala kulmaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.