Xukuumadda Somaliland ayaa soo saaray Amar lagu joojiyay in Qalabka kala duwan ee loo adeegsado bixinta adeegyada Isgaarsiinta lasoo geliyo deegaanada Maamulkaas, ilaa iyo Amar-dambe.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Cabdiweli Suufi Jibriil ayaa lagu shaacisay in laga bilaabo 15-ka bishaan Ogoosto aan Somaliland laga soo dejin karin dhammaan qalabka Isgaarsiinta.
Sidoo kale Qoraalka Wasiir Suufi Jibriil ayaa waxaa lagu Hay’addaha ay khuseyso howsha Isgaarsiinta laga Codsaday inay Wasaaradda kala shaqeeyan fulinta Amrka la soo saaray.
Amarka lagu joojiyay soo dejinta qalabka Isgaarsiinta ee Somaliland ayaa waxaa la Ogeysiiyay dhammaan Ganacsatada iyo Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Madaxweyne Muuse Biixi.
Hoos ka Akhriso Amarka uu soo saaray Wasiir Suufi Jibriil.