Xildhibaan Axmed Sh.Yusuf (Galti) oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho oo xaaladdisa caafimaad lagula tacalayay.
Guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa xaqiijiyay geerida Xildhibaanka waxaana sidoo kale tacsiiyay Madaweynaha Galmudug Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor.
“Waxaan Tasci Tiiraanyo leh udirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Allaah ha unaxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Sh.Yusuf (Galti) oo maanta ku Geeriyooday Magaalada Moqdisho, Marxuumku wuxuu ka mid ahaa Xildhibanada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.