Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Hooyga uu ka degan yahay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa uu kula kulmay Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliyaiyo Wasiirada Dastuurka Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka.
Kulanka oo ahaa salaan iyo xog Wareysi la xiriira arrimaha dhameystirka Qabyo qoraalka Dastuurka Dalka, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu sharaxaad ka bixiyay dadaalada iyo Qorshayaasha Wasaaradda Dastuurka.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradda ay weli wado qorshaha la xiriira dib u eegsta lagu sameynayo Dastuurka dalka,isla markaana Maamul Goboleedyada looga baahan yahay inay kala Shaqeeyaan.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ka maamul ahaan uu Wasaaradda Dastuurka Soomalaiya kala Shaqeyn doono dhameystirka dib u eegista ku socota Dastuurka Soomaaliya.