Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

0
518

Dagaalkaas oo geystay khasaaro kala duwan ayaa xalay waxaa uu degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee degmada Buulo Burde,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dadka ku nool degmada Buulo Burde ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay maadaama ay xilli habeen ah aheyd.

Wararka saaka laga helayo degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka ay howlgal ka wadaan duleedka degmadaas.