Gabar Dhalinyaro aheyd oo lagu dilay Muqdisho

0
532

Gabadhaan oo lagu Magacaabi jiray Xamdi Cabdulaahi ayaa waxaa la sheegay in Xaafada Warshada Caanaha ee Magaalada Muqdisho uu ku dilay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dilka Gabadha ayaa waxaa uu ka dambeeyay,kadib markii askariga uu rasaas ku furay Mooto Bajaaj ay saarneyd,xilli ay marayeen agagaarka Warshadii hore ee Caanaha degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir, waxaana wararku sheegayaan in askarigii uu baxsaday.

Gabadha ayaa xilliga la dilayay waxaa la sheegay inay ka timid Goob Dumarka lagu qurxiyo oo ay ka Shaqeyneysay,waxaana weli ogeyn sababta keentay in askariga uu rasaasta ku furo Mooto Bajaajta oo ay saarneyd Gabadha.

Bilihii la soo dhaafay waxaa kordhay dilalka ay dadka Shacabka u geysanayaan askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda,waxaana weli jirin askari loo Maxkamadeeyay in uu dilay qof Shacab ah.