Ra’iisul Wasaaraha Suuriya oo xilkii laga qaaday

0
497

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad ayaa xilka ka qaaday Ra’iisul wasaarihii dalkaas Imad Khamis xilli Suuriya ay ka taagan yihiin dibadbaxyo looga soo horjeedo dhibaatada dhaqaale ee saameysay halkaas.

Warbaahinta dowladda ma aysan shaacin sababta go’aankan xilka looga qaaday Ra’iisul wasaare Khamiis kaas oo xilka hayay tan iyo sanndkii 2016-kii.

Waxay arrintani imaaneysa xilli magaalada Suweida ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo lagu codsanayay in xilka u ka dego Bishar Al Asad.

Qiimaha lacagta Suuriya ayaa hoos u dhacay, waxaana sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado raashinka.

Dowladda waxay ku eedeeyasay dhaqaale xumida ka taagan Suuriya cunaqabateynta ay kusoo rogeen dalalka reer galbeedka iyo faragalin lagu hayo isbaddalka lacagaha dalka.