Guddoomiyaha Aqalka Sare oo war kasoo saaray arrimaha doorashada dalka

0
499

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyey in wada-tashiyada la xiriira doorashada heer federaal ay qeyb ka noqdaan dowlad goboleedyada, saamileyda siyaasadda, baarlamanka iyo xukuumadda.

“Qabashada doorashada heer federal waxaan looga maarmeyn in wada tashi deg-deg ah ay isugu yimaadaan dhammaan xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, dowladaha xubnahs ka ah dowlsdda federaalka iyo daneenayaasha siyaasadda, si loo helo qaab raali la isaga yahay oo doorashada lagu galo,” ayuu Senator Cabdi Xaashi ku yiri Qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ee golaha Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sida muuqata ku aragti noqday Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, marka ay noqoto habka loo wajahayo doorashooyinka la filayo inay dalka ka bilaawdaan dabayaaqada sanadkan.