Akhriso: Ajendaha kulan uu maanta yeelanayo guddiga joogtada ah ee Golaha Shacab

0
498

Guddiga joogtada ah ee xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah kulan ku yeelanaya Villa Hargaysa oo xarruun ku meel gaara u ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankaas waxaa la sheegay in guddigu uga hadli doono dejinta Ajendayaasha kalfadhigan 7-aad ee Golaha Shacabka, kaas oo madaxweyne Farmaajo uu furay 6-dii bishan.

Baarlamaankan 10-aad oo kalfadhigiisa u dambeeya uu Muqdisho ka furmay laba maalin ka hor waxaa hor yaalla shaqooyin badan oo dhameystir u baahan inta uusan dalku doorasho aadin dabayaaqada sanadkan.