Waxaa weli Magaalada Gaalkacyo siwyen uga socda wareejinta gaadiidka dagaalka iyo maleeshiye beeleedyo ku sugnaa deegaanadaas oo ka mid noqonaya Ciidamada loo xaraynayo In ay ka mid noqdaan Ciidamada daraawiishta Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey gaadiidkaas iyo maleeshiyaadkii saarnaa oo ku xaroon doona xerada tababarka Insha Qaris ee dhacda duleedka Gaalkacyo.
Munaasabada wareejinta oo ka dhacady Gaalkacyo ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa wasiiru Dawlaha madaxtooyada Galmudug iyo Xubno kale.
Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in Wasaaradda amniga Galmudug inay la wareegto maleeshiyaadka deegaankaas weli ku sugan si ay uga mid noqdaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug.