Ciidamada amaanka oo qabtay nin xalay qarax ka geystay Muqdisho iyo maamulka gobolka oo ka hadlay

0
445

Ciidamada Booliska ee gobolka Banaadir ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qabtay nin ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, ka dib markii uu bambo gacmeed ku tuuray ciidamo ku sugnaa degmada Yaaqshiid.

Ninkan ayaa bambada nooca gacanta lagu tuuro ku weeraray bar kontorool oo ciidamada Booliska ku baaraan gawaarida, waxaa intaasi kadib ciidamada u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan ninkaasi, iyagoo kaashanaya dadka deegaanka.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa xalay hawlo kormeer ah ku tegay qaybo ka mid ah xaafadaha degmada Yaaqshiid, kaas oo sida uu sheegay uu ugu kuur gelayey sugidda ammaanka degmada.

Kormeerkaas kadib Tuulax oo la hadlay Warbaahinta Qaranka waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay mid ka mid ah askarta amniga, ninkii qaraxaasi geystana ay ciidamadu soo qabteen.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa intaas ku daray in horey bambo sidaan oo kale loogu tuuray waaxdaas, isla markaana gacanta lagu soo dhigay ruuxii ka dambeeyay, sida xalay dhacday oo kale.

Guddoomiye Tuulax ayaa u mahad celiyey ciidamada Booliska, iyadoo dhanka kalena uu boggaadiyey sida ay heeganka xilli kasta ugu jiraan.

Maamullada degmooyinka kale ee gobolka Banaadir iyo shacabka ku nool ayuu ugu baaqay inay ku daydaan maamulka degmada Yaaqshiid iyo dadka deegaankaba, sida ay isaga kaashanayaan soo qabashada dadka falalka amni darro ka wada degmadooda.