Madasha Xisbiyada Qaran oo Madaxda Dowladda ka dalbatay baaris lagu sameeyo Hay’adda NISA.

0
489

Warqad kasoo baxday Madasha Xisbiyada Qaran kuna taariikheysan 19-kii Abriil 2020-ka waxaa madaxda Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Labada Guddoome Aqal iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ugu dalbadeen in baaris ay ku sameeyaan Hay’adda NISA.

Waxyaabaha laga baarayo Madasha waxa ay ku sheegtay in muddooyinkii dambe ay soo baxayeen warar sheegaya in Hay’adda Sirdoonka NISA iyo Al-Shabaab uu xiriir ka dhaxeeyo sida qoraalka lagu yiri.

Sidoo kale waxa ay si gaar ah u dalbadeen in baaris adag lagu sameeyo weerarkii ka dhacay aqalka Dowladda Hoose sanadkii hore oo ay ku dhinteen Mas’uuliyiin katirsan maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kamid ahaa Guddoomiyihii Gobolkaan oo dhaawac culus soo gaaray ugu geeriyooday Magaalada Dooxa ee Caasimadda Dalka Qadar.

Madasha Xisbiyada  ayaa sidoo kale sheegtay in ay hayaan eed la xiriirta in wada sheekeysi la sheegay in uu dhexmaray xubno katirsan Hay’adda NISA IYO Al-Shabaab sida qoraalka Madasha ku qoran.

Warka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran oo ka koobnaa 5-qodob waxaa kale oo kamid ahaa in Baraha Hay’adda NISA lagu baahiyo warar lagu marin habaabinayo Shacabka oo dano gaar ah laga leeyahay.

Waxa ay sidoo kale ay soo jeedisay Madasha in Hay’addaan Sirdoonka oo Amniga Qaabilsan laga fogeeyo siyaasadda, loona dhiibo farsamo yaqaano ku xeel dheer sirdoonka iyo Amniga Qaranka.

Ugu dambeyn, Madasha ayaa dhaliisay jawaabtii Hay’adda NISA ay isaga fogeyneesay eedeyntii Kenya ee ahayd in Al-Shabaab ay la wadaagaan Xogo ka dhan ah Xukuumadda Nairobi, madasha ayaa sheegtay in warqadda Warcelinta ah oo soo baxday 17-kii bishaan ay ahayd mid jilcan, isla markaana aysan ahayn jawaab ku filan Umadda Soomaaliyeed iyo taageerayaasha Caalamka.

Image may contain: text

Image may contain: text

Dhanka kale, ma jirto jawaab kasoo baxday hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ay kaga falcelineyso eedeyntaan kaga timid Madasha Xisbiyada Qaran.