Beeraleyda Gaarisa oo sheegay in roobabkii da’ay khasaare ba’an u geysteen.

0
463

Guddiga ay ku mideysan yihiin Beeraleyda Magaalada Gaarisa ayaa warbixin ay soo saareen waxa ay kaga hadleen saameynta taban uu ku yeeshay Waxsoosaarkooda roobabkii ugu dambeeyay ee halkaa ka da’ay.

Xubnaha Guddiga ayaa Warbaahinta u  sheegay in khasaare dhanka dalaga ah ay soo gaartay, kadib markii biyaha daadadka ah ee Roobka ka dhashay ay soo saareen waxsoosaarkii ay horay u tacbadeen.

Waxa ay intaa ku dareen in hoos u dhac ku yimid waxsoosaarkooda, sabab la xiriirta in khasaare ay galeen, maadaama inta badan Beeraleyda ay arrintaan ka siman yihiin oo dhibaatadu wada gaartay.

Dowladda Kenya waxa ay ka dalbaday in ay gacan ka siiso sidii ay ugu soo kaban lahaayeen dhibaatooyinka dhaqaale ee gaaray, si aysan uga hortagaan in hoos udhac aan kabasho lahayn ay galaan.

Beeraleyda Magaalada Gaarisa waxa ay inta badan beertaan dalagyada kala duwan xiliyadaan oo kale iyaga oo ka faaiideysanaya Waqti roobaadka oo la guda galay.

Mararka qaar waxa ay la kulmaan dhibaatooyin ka dhasha daadadka Roobka oo soo saaro abuurka beerahooda ay ku tallaaleen, si ay u gurtaan kolka waqtiga la gaaro, isla markaana ay u iib geeyaan.