Moonshin iska soo horjeeda oo ka bilaawday Jowhar

0
521

Waxaa xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre Maxamed iyada oo Jowhar uu ka bilaawday mooshin iska soo horjeeda.

Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi ayaa sheegay in uu  qabtay Mooshin ay ku saxiixan yihiin 63 Xildhibaan oo xilkana looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaannada ay sidoo kale ka dalbadeen in kulanka Baarlamaanka la furo oo ay Shaqeeyaan,hayeeshee ay dib u eegis ku sameynayaan maadaama lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle  Sheekh Cusman Barre Maxamed ayaa sheegay in uu qabtay mooshin kalsooni kala noqoshada madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare

Waxaa uu sheegay in mooshinka ay u soo gudbiyeen 54 Xildhibaan,isla markaana ay ku eedeeyeen musuq maasuq ku tagrifal awoodeed iyo qodobo kale.

Dowladda Federaalk iyo Beesha Caalamka ayuu Guddoomiye Cismaan Barre ugu baaqay inay soo farageliyaan waxa ka socda Jowhar,isaga oo sheegay in Maamulka  Hir-Shabeelle uu ku dhowyahay in uu burburo lana lunsaday hantidii Shacabka.

Waxyaabaha ugu badan ee uu salka ku haayo khilaafka Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo kuxigeenkiisa oo dhinac ah iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa lagu sheegay Arrimaha doorashooyinka oo Guddoomiye Cusmaan uu dalbaday in Dowladda Federaalka lagu wareejiyo,hayeeshee ay diideen Waare iyo kuxigeenkiisa.