Kiisaska Covid-19 ee Puntland oo sii kordhay iyo Dad looga shakisan yahay Xannuunka oo maanta baaris la marinayo.

0
484

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta baaris gelineysa dad ay u karaantiishay shaki la xiriira in ay qaadeen cudurka Coronavirus, kadib markii lagu arkay calaamado.

Dr. Jaamac Faarax Xasan oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in kiisaska Covid-19, saacadihii lasoo dhaafay ay kordheen, isaga oo tilmaamay in la baaray 10-ruux oo 7-kamid ah ay yihiin rag iyo saddex dumar ah, cudurkana laga helay 4-ruux, isla markaana 6-da kale laga waayay.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhigtay Sheybaarka lagu baarayo dadka looga shakiyo cudurka Covid-19, si ay ula socoto dhaq-dhaqaaqyada xaaladaha cudurka faafa ee halista badan Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee Dowlad Goboleedkaas laga diiwaan-geliyay ay noqonayso 10 ruux, ma jirto wali bukaan ugeeriyooday xanuunka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto baarista dadka looga shakiyay in ay qaadeen Fayruska Coronavirus ee deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland.

Maanta waxa ay baaris gelinayaan shaqsiyaad kale oo lagu tuhmayo in ay qabaan xannuunka Coronavirus, si loo caddeeyo kolka ay soo baxdo natiijada Sheybaarka.