Kheyre oo Kuwait kala hadlay taageerada Xakameynta Covid 19

0
426

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan dhanka qadka ah la yeeshay dhigiisa dalka Kuweyt.

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga labadda dal, sidoo kale sidii dowladda Kuweyt ay Soomaaliya uga taageeri laheyd dadaallada looga hortagaayo Cudurka Corona virus ah ee dunida oo dhan Sameeyay.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay Arrimaha Amniga, dhaqaallaha iyo Siyaasadda dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta.

“Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa khadka teleefanka wada hadallo kula yeeshay dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Kuwayt Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xafiiska Kheyre.

Warka ayaa intaasi kusii daray “Waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida ay Kuwayt Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta safmarka ah ee Covid 19.