Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka buufiyay fayruska Corona.

0
450

Booyado ay ugu talagaleen Maamulka Gobolka Banaadir in lagu buufiyo Caasimadda ayaa xalay suntan looga hortagayo kahor tagga faafista cudurka Corona ku daadiyay Waddooyinka iyo Suuqyada Magaalada Muqdisho.

Ujeedka Buufinta waxa uu Maamulka Gobolka Banaadir ku sheegay sidii Magaalada looga hortagi lahaa waxyaabaha ilma-aragtada ah ee sababa xannuunka Coronavirus, inta bandowga Caasimadda uu saaran yahay howshaan ay sii socon doonto.

Agaasimaha Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar iyo Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir ahna guddoomiyaha guddiga kahor tagga faafidda Cudurka Basma Caamir Shakeeti ayaa sheegtay in fayruska Corona uu leeyahay kahor tag, tallaabo waliba oo arrintaas ku saabsan ay qaadi doonaan.

Basma ayaa sheegtay in mas’uuliyad ballaaran ay wada saaran tahay Dowladda iyo shacabka, waxaana ay ku dhiirigelisay in la qaato wacyigelinta iyo kahor tagga cudurka oo ah daawada ugu fiican ee looga gaashaaman karo faafidda Covid-19.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxa uu goobta ka sheegay in buufinta ay sii soconeyso inta laga soo afjarayo kiisaska Cudurka Corona ee sida maalinlaha ah looga diiwaangeliyo Caasimadda.

Cumar Finish waxa uu tilmaamay in Magaalada Muqdisho ay lamid tahay Magaalooyinka kale  Caalamka ee uu ka socdo kahor tagga faafidda cudurka, waxaana adkeeyay in shacabka ay u istaagaan howshaan.

Muqdisho waa meesha ugu badan ee laga diiwaangeliyay cudurka Coronavirus guud ahaan dalka, waxaana saaran Bandow Dowladda ay gelisay Caasimadda 15-kii bishaan oo bilaabanaya 8-da Fiidnimo kuna eg 5-ta aroornimo.