Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo gaaray 237 iyo dhimashada 8-ruux

0
481

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa xalay sheegtay in kiisaska dadka uu soo ritay Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya uu sii kordhay, kadib markii ay soo baxday natiijada Baarista lagu sameeyay ku dhawaad boqol ruux.

War kasoo baxay Wasaaaradda Caafimaaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xalay kaliya ay diiwaangeliyeen 73-kiisas cusub oo ah dad qaaday xannuunka Cudurka Corona iyo dhimashada hal ruux oo ka dhigeysa guud ahaan dadka Soomaaliya ugu dhintay Covid-19 8-ruux.

Baaris ayay sheegtay in dad kale lagu sameeyay balse illaa iminka la sugayo natiijada baaristooda, halka shaqsiyaad kale ay ku karaantiilan yihiin Caasimadda iyo Gobolada kale ee dalka.

Tixda Wasaaradda kiisaskii ugu dambeeyay ayaa ahaa, guud ahaan dadka la baaray waxaa cudurka laga helay 73-ruux oo kala ah:

> Lab: 51

> Dhedig: 22

> Bogsasho: 1

> Dhimasho: 1

> Tirada Guud waa : 237.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shalay sheegtay in isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir qayb kamid ah ay u adeegsanayaan kahor tagga cudurka Coronavirus, maadaama kiisaska dadka uu haleelay ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambeyso.