Sheekh Shaakir”Dowladda Somalia Galmudug dano gaar ah ayay ka leedahay”

0
454

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaamiyeyaasha Ahlusunna ee deegaannada Galmudug ayaa ka hadley khilaafkii ka dhashay doorashadii Dhuusamareeb iyo khilaafkii sababay inay la dagaalamaan Dowladda Soomaaliya.

Sheekh Shaakir oo la hadley Idaacadda Voa-da,isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi waxaa uu marka hore sheegay in uu halkaasi u joogo sidii uu Arrimaha Soomaaliya uu kala hadli lahaa Xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya iyo Jaaliyadda Galmudug ee ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa Sheekh Shaakir wax laga weeydiiyey khilaafkii soo kala dhex-galay dowladda Somalia ee sababay inay Dhuusamareeb kasoo tagaan,waxaana uu sheegay in iyagu ay doonayeen in dhiso Maamul loo dhan yahay,hayeeshee Dowladda Soomaaliya ay ka baxdey.

”Anaga waxaan dooneynay In la dhiso maamul la wada leeyahay Dowladda waa ay ka baxdey, sida dhabta ah waxaa waaye inay iyada ka baxdey ujeedooyin gaar ah ayay ka leedahay,bale waxaan idiin sheegayaa in weli  Xubnaha kale ee  Maamulka Ahlusunna  ay ku sugan yihiin deegaannada Galmudug ayna difaacayaan ayuu yiri”Sheekh Shaakir.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in markii dowladda ay la wareegtay deegaannada Galmudug ay guul arrintaasi u arkeen Al-Shabaab,isla markaana lagu arkay meelo ay horay u tegi karin dadka qaarna ay bilaabeen inay ka qaadaan lacago farabadan sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Sheekh Shaakir waxaa uu sheegay in iyagu ay yihiin kuwo mar walba tanaasula ayna jecel yihiin in la dhiso Galmudug mid ah taasina looga baahan yahay inay ogolaato Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaanka ugu sareeyey Ahlusunna Wal-Jamaaca ayaa dagaal looga saarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,kadib markii ay kasoo horjeesteen doorashadii uu kusoo baxey Axmed Cabdi kaariye,hayeeshee ay weli sheegayaan in mar uun ay kusoo laaban doonaan deegaannada Galmudug.