Waxaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud gaaray Wafdi kasocda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya .
Wafdigaan ayaa iskugu jira Wasiiro, Gudoomiyaha Gobolka Doolo, Gudoomiyaha Galaadi iyo saraakiil Milatari oo kasocda Dawladda Faderaalka Itoobiya
Duleedka Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku soodhaweeyey Wasiiro katirsan Galmudug, Xildhibaano, Maamulka Degmada Cadaado, Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiil katirsan Ciidamada kala duwan ee dawladda Soomaaliya.
U jeedka safarka Wafdigaan ayaa ah dhamaynta hishiis laga gaarey Colaadii beelaha ee maalmo kahor kadhacdey Xuduuda ay wadaagaan Labada dawladood waxaana galinka danbe ee Maanta Madaxtooyada Cadaado lagu saxiixi doonaa hishiiskii laga gaarey colaadii labada beelood.