Weerar lagu qaadey Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidanka Kenya

0
428

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Kenya ee deegaanka Kulbiyow.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal socdey in ka badan hal Saac uu ka dhacey Saldhiga Kulbiyey,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay maadaama xilli habeen ah uu dhacey dagaalka.

Warar lagu daabacey Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa guulo laga sheegtey dagaalkaas,iyada oo lagu sheegay inay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidanka Kenya oo kamid ah Ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Wararka laga helayo deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidanka Kenya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku baadi goobayaan Xubnihii soo weeraray ee ka tirsan Ururka Al-Shabaab.