Maamulka G/Hiiraan oo Ciidamo geeyey Xadka Itoobiya

0
467

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee aan weli xilka la wareegin Cali jeyte Cismaan iyo Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ayaa Gaaray deegaano ku dhow xadka Gobolka Hiiraan uu lawadaago Dalka Itoobiya.

U jeeda Wafdiga ay u tageen deegaanada xadka ayaa waxaa lagu sheegay fulinta Awaamiirta madaxda Qaranka iyo Madaxda Hirshabeelle ee ah in Bulshada laga bad baadiyo Caabuqa Coronavirus lana xiro xaduudaha Dalka uu leeyahay.
Guddoomiyaha Cusub ee  Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya la xirey xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya,iyada oo la geeyey deegaannada xadka ah Ciidamo farabadan oo Boolis ah.

Maalin ka hor ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed waxaa uu sheegay in Xadka Gobolka Hiiraan uu yahay mid iska furan,isla markaana jaadka ka yimaada Itoobiya uu si caadi ah loo soo geliyo Gobolka Hiiraan.