Somaliland oo lagu wareejiyey Qalab lagu baaro COVID 19

0
481

Soomaaliland ayaa ku dhawaaqdey inay keensatay qalabka lagu baaro Cudurka Coronavirus,kaas oo laba kiis oo kamid ah laga helay deegaanada Soomaaliland.

Qalabkaan ayaa waxaa Soomaaliland ku wareejiyey Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo qalabkaas horey ugu balan qaadey Soomaaliland maadaama Soomaaliland aysan heysan Qalabka oo muhiim u ah.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Soomaaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in markii hore qofkii looga shakiyo Cudurka Coronavirus dhacaan laga qaado loo diri jirey dalka Kenya,isla markaana waqti badan ay ku qaadato inay jawaabta helaan,hayeeshee taasi ay haatan ka baden.

Sidoo kale Wasiirka oo kamid ah Guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus waxaa uu Hay’adda WHO uga mahad celiyey helida qalabka lagu baaro COVID 19 oo ay ka caawisey.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay inaysan jirin kiisas Cusub oo Coronavirus ah oo laga helay Somaliland,isaga oo ugu baaqay Shacabka ku nool deegaannada Soomaaliland inay qaataan tallooyinka Caafimaad ee Wasaaradda iyo Guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus.

Soomaaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqdey in deegaanadeeda laga helay laba kiis oo kamid ah Cudurka Coronavirus taas oo walwal ku abuurtey dad badan oo ku nool Soomaaliland,waxaana xilligaasi wixii ka dambeeeyey ay Soomaaliland joojisey isku socodka Hawada,isla markaana ay xireen xaduudahooda.