Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo xalay fiidkii hore gudaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Xaaji Shaahid Kheyrdoon.
Dilka loo geystay Nabadoonka ayaa Dad goobjoogayaal ah waxaa ay sheegeen inuu ka dhacay Xaafadda Juunglae ee Degmada Yaaqshiid, isla markaana qeybaha hare ee jirkiisa looga dhuftay dhowr Xabadood, isagoona u geeriyooday.
Ragii ka dambeeyay dilka Nabadoon Shaahid Kheyrdoon ayaa goobta si deg deg ah uga baxday, waxaana daqiiqado kadib halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, iyagoo soo qaaday Meydka.
Sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa sida caadada aheyd sameeyay howlgal baaritaano ah oo ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay Dilka Nabadoonka, hayeeshee la sheegin in dad lagu soo qabtay howlgalkaas.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Nabadoon Xaaji Shaahid Kheyrdoon uu kamid ahaa Madaxda sare ee Xisbiga SAMO oo kamid Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jiray.
Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana dilalka inta badan sheegta Al-shabaab.